Garaad Jama “Dhulbahante yeeli maayo kala go’a Soomaaliya, midnimaa doonaynaa”

Reading Time: 2 minutes

Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante, Garaad Jama Garaad oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magalaada Laascaanood oo mudo 15 sano ah uu ka maqnaa ayaa waxa uu soo dhaweyntiisii ka jeedeyay qudbad qiiro ku dheehan tahay.

Qudbadiisa ayuu baaq ugu diray hogaanka dalka la magac baxay Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay marnaba beeshiisu raali ka hayan, kana ahaan doonin kala go’a minimada umadda Soomaaliyeed.

Garaad Jama ayaa yiri “Dhulbahante yeeli maayo kala go’a Soomaaliya, midnimaa doonaynaa”.

Waxaa muuqata in degaanka Sool uu ka baxay faraha Somaliland, taas oo keeni doonta in beelaha kale ee aan ahayn beesha Isaaq in ay iyaguna isaga baxi doonaan Somaliland, gaar ahaa  beelaha samaroon, ee Gudibeersi.

Qudbadiisa  oo buuxda halkaan ka dhageyso:

default
default