Garaad Jaamac oo Somaliland ku eedeeyay inay ka danbeeyso colaada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Isimada waaweyn ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood. Garaadka oo xalay warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa ugu horrayn ka tacsiyeeyay shacabka Somaliland ku xasuuqday magaalada Laascood.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin xasuuqa Ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood ee lagu laayay Rayidka aan hubaysanayn. Garaadka ayaa sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay Ciidankeeda si deg deg ah uga la baxdo Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool si aysan dhib danbe u dhicin.

Garaad Jama oo markiisii hore lagu yaqiinay taageerida Somaliland ayaa u muuqda mid mowqifkiisa badalay, kuna eedeeyay in Somaliland ka dambeyso colaada ka jirta deeganada Sool iyo Sanaag.