Garaad Jaamac oo shacabka kula dhex hadlay suuqa weyn ee Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo la hadlayey Shacabka magaalada Laascaanood oo xalay ku guulaystay inay iska saran ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa gudaha magaalada Laascaanood ayaa shacabka magaalada usoo jeediyay inay isdejiyaan dhagaxaantana ay ka qaadaan wadoonyinka.

“Laamiyada ha xirina , ganacsiga  fura, guryaha hayska duminina wax dhib ah ma jiro, cidina haka baqina Garaadada Dhulbahantena waa inay Laascaanood yimaadaan Beri si loo tashado ” ayuu yiri Garaadku.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay dilal tiro badan ka gaysteen magaalada Laascaanood, inkasta oo xukuumada Muuse sheegtay inay bixinayso magta dadka lagu eedeeyay inay laysay.

Geesinimada uu muujiyay Garaad Jamac ayaa dhiirigalin  u ah shacabka Gadoodka ah ee ka soo horjeeda maamulka gooni isku taaga ah oo uu hogaamiyo Korneeyl Muse Bixi.