Garaad jaamac Garaad ismaaciil oo daqiiqado ka hor la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka lagu xureeynayo deegaanada hoos yimaado SSC uu soconayo inta ciidanka Somaliland ku sugan yahay dhulka Dhulmahante.
“Muuse biixi baaq iyo madaafiic ayuu soodiray labadaba waan ka jawaabaynaa, salaadiinta waxaan leeyahay intii wiilashiinu Laascaanood ku dagaalamayaan dagaalku wuu socon “, ayuu yiri Garaad Jamac.
Dhanka kale Garaadka ayaa fartiin u diray dhaqanka iyo salaadiinta Somaliland, waxa uuna ugu baaqay in ay wiilashooda kala baxaan Laascano, markaas baa wadahadal la gali karaa.
Dhanka kale, Inkastaa oo ay dowlad Puntland sheegtay in ayan ku jirin dagaalka laascaanood hadana wararka la imaanayo Jiida hore ee dagaalka, waxaa halkaas gaaray gawaari, ciidan, saanad iyo saad kuwaas oo ay soo dirtay dowlada Puntland.
Garaad Jama ayaa si joogta qadka taleefanka kula hadlay madaxweyne Saciid Deni.