Waxaa burbur ku yimid Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood kadib markii uu ku soo dhacay waxa lagu sheegay in uu yahay Gantaalaha ridada dhexe ee loo yaqaano PM21 kaas oo loo eedeynayo in uu ka yimdi dhanka ciidanka Somaliland.
Waxaa uu burbur ku yimid qaybta kaydka dhiiga, iyo qaybta bukaanjiifka caruuurta. Somaliland wali kama aysan hadin eedeynta loo jeediyay.
Dhanka kale dhaawacyo hore u jiifey qaybta bukaan jiifka oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhaawacmay dagaalka ayaa saaka markale dhaawac kasoo gaarey duqaynta magaalada.








