Ganacsiga Degmada Dharkeenleey oo Maanta Albaabada Looxiray

Reading Time: 2 minutes

Warar naga soogaraya Degmada Dharkeenleey Ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta uu xiran yahay ganacsigii degmadaasi xilli sidoo kale xabsiga la dhigay qaar ka mid ah ganacsatadii halkaasi ku ganacsanayay

Waxaa Maanta gebi ahaanba la xirey Goobihii Ganacsiga ee Xaafada  Suuq boocle ee degmada Dharkenley, ka dib markii Ganacsatada Suuqaasi lagu amrey in ay bixiyaan lacago uu Maamulka ku soo rogay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Todobaadkii la soo dhaafay loo keenay Warqad ka timid maamulka degmada taas oo lagu amrayey in ay bixiyaan lacago xad dhaaf ah,balse ay taasi ka biyo diideen.

Hayeeshee maanta ay Suuqa tageen Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada,isla markaana ay mareen in gebi ahaanba la xiro Ganacsiga,sidoo kalena ay Xabsiga dhigeen qaar ka mid ah Ganacsatada.

Sawirro laga soo qaaday suuqa ayaa muujinaya badi Goobihii Ganacsiga ee xaafada Suuq Boocle oo albaabada ay u laaban yihiin,isla markaana aanan Maanta ka jirin wax Ganacsi ah.

Sikastaba ha ahaate arrintani ayaa noqoneysa mid niyad jab ku ah Ganacsatada ku ganacsada Degmada Dharkeenleey Ee Gobolka Banaadir maadaama ayka cabanayaan lacagaha ay xooga kaga qaadayaan maaamulka degmaadasi dharkeenley