Ganacsato Soomaali ah oo lagu xirxiray dalka Zambia

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Zambia Maxamuud Maxamed Xasan oo ka hadlay dadkii Soomaaliyeed ee lagu xir xiray magaalada Ndola ee dalka Zambia ayaa sheegay in lasii daayay inta badan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ciidamada ammaanka Dalkaas ay ku xireen Magaaladaas.

Wuuxuu sheegay in howlgalka lagu raafay Dadkaan u badan Ganacsatada uu ahaa mid si kedis ah u bilawday, maadaama aanay jirin digniin loosoo gudbiyay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Zambia.

“Magaalada Ndola waxaa xaafadda ay u badan tahay Soomaalida ka dhacay howlgal lagu xiray muwaadiniin u badan Ganacsato, wax sabab ah nooma sheegin markii aan la xiriirnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Zambia maadaama dadkaan sharci ay ku joogaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Xasan oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in si dhexgalka Zambia & Soomaaliya uu soo socday 60-sano, waxaana uuna intaas ku daray in ay leeyihiin Goobo Ganacsi oo Dowladda ay ka hesho Canshuur.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay la hareen Dad ku dhaw 50-ruux oo sharciga uu ka dhacay balse dedaalkeena waa sidii loogu cusbooneysiin lahaa si loosoo daayo, Dowladda Zambia inkastoo maamulka uu cusub yahay laakiin waan kala hadalnay arrintaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya, iyadoo Wasaaradda Arrimmaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiya ay sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Zambia uu yahay mid hab isir ah islamarkaana ay ku howllan tahay sidii Dowladda Soomaaliya ay caddeymo arrintaas la xiriiri ugu heli lahayd Dowladda Zambia.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!