Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu toogtay dalka Koonfur laboga nacsato oo  Soomaali oo mehrad ku lahaa tuulladda Asanda ee Degmadda Strand ee magaalladda Cape Town ee dalkaasi.

Sida ay sheegayaan Dadka deggan Wadada Mkhungela Street oo uu ku yaallo Dukaanka lagu weeraray Ganacsatadda Soomaalida ayaa sheegay inay ku soo baxeen dhawaaqa rasaasta ka dhacday Deegaankooda.

Wargays ka soo boxay dalkaas ayaa qoray inay Burcadda Konfur Afrikaanka ay aroornimadii Talaadada ee la soo dhaafay weerareen isla markaana ay toogteen 2 Muwaadin Soomaali oo kala ahaa Ganacsadaha Dukaanka iyo Kaaliyahiisa oo ku dhex sugnaa goobtooda Ganacsiga.

Ganasadaha la dilay ayaa 37-jir ah waxaana ay rasaas kaga dhacday Luqunta, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta, halka Gacan-yarahiisa laga toogtay Gacanta, kaasi oo la dhigay Isbitaalka, isagoo ka soo kabanaya dhaawicii soo gaaray.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Gnaacsadaha Soomaalida ee la dilay lagu magacaabi jirey Madaale, kaasi oo muddo 3 sano ah ku sugnaa Tuulladda lagu dilay ee Asanda ee duleedka Cape Town. Ganacsade kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Muuse o ola hadlay

Wargeyska lagu magacaabo City Vision ayaa sheegay inay labo burcad ah yimaadeen Goobta Ganacsiga ee lagu magacaabo Bafana Cash Store, isla markaana ay geysteen dil iyo dhaawac, ka hor intaysan la baxsanin lacag caddaan ah iyo sigaar yaallay Dukaanka uu lahaa Marxuumka Soomaaliga.

Qaar ka mida Jaaliyaada Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Marxuumka, si ay u eegaan waxa ay ku taageeri karaan Marxuumka.

Saddex Alifle Mathokozisi Gama oo ka tirsan Boliska Deegaanka ayaa sheegya inay fureen Gal-dacwadeedka dilka, dhaawaca iyo dhaca loo geystay Ganacsatadda Soomaaliyeed, balse, ma jirto cid loo soo qabtay dhacdadaas murugada leh.Waxa uu sheegay inaysan xaqiijin Karin tirada burcadda gudaha u gashay Dukaanka ama nooca gaariga ee ay Burcadda wadatay, kuna baxsadeen.