Ganacsato Shalay Laxiray oo Laga Si Dayay Xabsiga Magalada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeele aya shegaya in xabsiga laga si dayay Ganacsato Shalay lagu xiray Saldhiga Jowhar.
ganacsatada shalay lagu xiray saldhigga Jowhar ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo baqaarada ku leh magaalada lana soo xiriireen saraakiil Al-shabaab ah oo ugu yeeray deegaanka Gamboole.

kadib dedaalo ay sameeyeen ehelada ganacsatada ayaa waxaa lagu guuleeystay in saldhigga laga sii daayo ganacsatada waxaana wax laga weeydiiyay sababta ku kaliftay in ay Al-shabaab ugu tagaan deegaan ka fog magaalada.

Al-Shabaab ayaa inta badan ganacsatada ka qaata lacago waxaana ay deegaanada aysan gacanta ku heyn sameeyaan in ay la xiriiraan ganacsatada una hanjabaan sida la tilmaamay.