Ganacsatada oo Go’aan ku gaaray in ay dib u furtaan Dekadii Ceel-macaan iyo Garoonka Cisaleey ka dib xirnaanshiyaha Muqdisho (SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Warar Soo baxaya ayaa sheEgaya in ganacstada Dekada muqdisho kala soo degta Badeecadaha iyo Ganacsatada suuqyada ugu waa wayn dalka ee Bakaaro iyo Suuq Bacaad Oo Kushiray Muqdisho Ay Go’aan kugaareen In ay dib Ufurtaan Dekadda Ceelmacaan iyo Garoonka diyaaradaha ee Cisaleey Kadib Markii ay dowladda dhagxaan kujartay wadooyinkii lamiyada ahaa oo ay soomarayeen Gadiidka xamuulka ah ee badeecada usoo qaadayay suuqyadaasi.

Sidokale wararka ayaa sheegaya in Shirka ay qayb ka ahayeen ganacsarada kuganacsata suuqyada Karaan iyo Sanca kuwa oo iyagana ay kaxeranyihiin jidadkii ay usoo mari lahaayeen gadiidka badeecadaha usoo qaada suuqyadaasi.

Sidokale Ganacsatada ayaa lasheegay in ay go’aan kugaareen in aysan dhiibin wax canshuur ah marba hadii lagaxeray wadooyinkii ay badeecadaha usomarayeen .

Arintaan ayaa waxaa ay culeeys ku noqon doontaa dowlada dhexe maadaama ay yaraaneeyso dhaqaallaha kasoo galo.