Maamulka degmada yaaqshiid gaar ahaan Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmadaas Maxamed Gaafoow ayaa lasoo sheegayaa in uu si xoog ah maalin walbo lacag aan sharci aheeyn uga qaado dadka ku ganacsada suuq weeyn ee suuq bacaad kuwaasi oo lagu amray in bixiyaan lacagtan.
Sida aan xogta ku heleeyno lacagta ayaa loogu magac daray kaalmada sugida amniga suuqa,waxaana aruuriyo ciidamo gaar ah oo uu leeyahay Gaafoow oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Degmada yaaqshiid.
Ganacsatada ayaa lagu wargeliyay in bixiyaan maalin walbo 11,kun oo shilin soomaali ah taasi oo u dhigan 0.5 dollar,lacagtaan ayaana ku dhicin qasnada gobolka Banaadir.
Xogtaan ah mid aysan ogeeyn Masuuliyiinta dowlada qaarkood ayaa waxaa ay imaaneeysaa iyadoo Gobolka Banaadir uu ka socdo boob dhinac walbo ah