Ganacsatada Dekada Iyo Garonka Muqdisho Alabadoda Kaso Dagsada oo Shaki Galiyay Lacagaha Canshurta Ah Ee Lagu Kordhiyay

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaaan shaacisay in Canshuuro ay ku rogtay Badeecooyinka Ganacsatada Soomaaliyeed ay kala soo dagaan Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrintaasi waxa ayna sheegeen in ay ku yeelatay saameyn xoogan.

Mid ka mid ah ganacsatadan ayaa xusay in loo baahanyahay in Wasaaradda Maaliyadda ay si siman Canshuuraha ugu rugto dhammaan Dakedaha ku yaalla gudaha Soomaaliya.

Waxaana uu carabka ku dhufay in ay muhiim tahay in Ganacsatada Muqdisho, aan lagu soo rogin lacago dheeraad ah, basle loo baahan yahay in lagu kordhiyo dhammaan Ganacsatada Soomaaleed.

Waxa uu shaki xoogan galiyay habdhaqankan cusub oo ay wasaarada maaliyada bilabeyso isago shegay in ay isweydiinayan cashuurta ku koobn ganacsatada muqdisho halka loo wado.