Sida ay sheegayaan wararaka ka imaanya Boosaaso, goobaha ganacsiga ee Magaaladaas ayaa u xirmay khilaaf salka ku haya Canshuur kordhin Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ay ku sameysay Ganacsatada.
Gabi ahaanba waxaa maanta xiran Goobaha Ganacsiga, kadib markii Ganacsatadu ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagaha ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland.
Ganacsatada ayaa ku doodaya in Wasaaradda Maaliyadda oo Canshuur uga qaadda Dekeda Boosaaso, in ay kusii kordhisay lacago kale oo Xad-dhaaf ah oo ay ka qaadeyso Goobahooda. Suuqyada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa saakay xiran, waxaana dadka ganacsatada ay hor fadhiyaan Goobahooda, iyada oo aan jirin dhaq-dhaqaaqii Suuqa ee dadka wax ka iibsada.
Canshuur kordhinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxa ay horay u saameysay Ganacsatada Waqooyiga Magaalada Gaalacyo ee Gobolka Mudug, waxaana ay xireen goobahooda muddo dhan 4-Cishe, iyaga oo sameeyay Dibadbax cabasho ah.
Wasiirada Puntland waxa ay dhawaan Ansixiyeen Miisaaniyadda Maamulka ee sanadkaan 2020 oo ka muuqata kororka dakhliga gudaha, Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Canshuur kordhin ku sameysay ganacsatada oo iyanna ka biyo diiday.