Ganacsade Soomaaliyeed oo Si Naxariis Daro Ah Lagu Dilay Dalka South Africa

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Dalka South Africa ayaa sheegaya in Ganacsade Soomaali ah ay kooxo hubeysan oo Madow ah ku dileen Cape Town , sida ay xaqiijiyeen Soomaalida ku dhaqan Magaaladaasi.

Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano Magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu Magacaabi jiray Axmed shire Nuur.

Goobjoogayaal ka agdhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysteen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dhacaan Marxuumka, iyagoo rasaas ku furay kadibna uu goobta ku geeriyooday.

Ciidamada Booliska ee Dalka South Africa ayaa wada baaritaano la xariira dilkaasi oo lagu raadinayo dambiilayaasha geystay falkaasi.

Khamiistii la soo dhaafay ayey ahayd markii laba wiil oo Walaala ahaa lagu dilay Magaalada Johannesburg ee South Africa, kuwaas oo hal Dukaan ka wada shaqeynayay,

waana Astaan muujineysa in markale uu soo badanayo dilalka iyo dhaca loo geysto dadka Ajaanibta ah ee ku nool Dalkaasi.