Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay aheyd deegaan ka tirsan Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada goobaha Ganacsi ku leh dalkaas.

Maxruunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Bashiir Maxamed Muuse, waxaana lagu dhex dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla deegaanka kraaifontein ee hoostega Caasimadda Cape Town. Goobjoogayaal Soomaali ah ayaa waxaa ay ku sheegeen  in Marxuum Bashiir Maxamed lagu dilay weerar lagu qaaday goobtiisa Ganacsi, isla markaana waxaa halkaas ka baxsaday raggii ka dambeeyay falka dhacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!