Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya Koofur Afrika ayaa ku waramaya in gudaha dalkaasi lagu dilay Ganacsato Somaali ah oo ka ganacsanayay Koofur Afrika
kooxo burcad koofur afrikaan ah ayaaa magaalada Cape town waxey ku dileen nin magaciisa lagu soo koobay bashiir oo kamid ahaa ganacsatada soomaalida ee ka ganacsada dalkaasi.
mid kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku sugan Koofur Afrika ayaa sheegay in marxuum bashiir ka hor inta uusan geeriyoon, uu soo gaaray dhaawac, balse markii danbe uu ku geeriyooday isbitaal ku yaal gudaha Koofur Afrika.
Burcada dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana ay dhac u geysteen goobta ayaga oo ka qaatay lacago iyo alaabo kale oo fudfud sida kaararka telfoonada lagu shufto, iyo waxyaabo kale.
Soomaalida South Afrika ayaa ah dhibanayaal si joogta ah loogu dilo dalka South Afrika, mana jirto cid muuqaata oo ku howlan wax ka qabashada dilka iyo dhaca loo geysto Soomaalida South Africa, marka laga reebo soomaalida isticmaasha baraha bulshada oo aad u canbaareeya dilalkaasi foosha xun.