Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanyaa dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in koox Burcad Koofur Afrikan ah ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku dilay dalkaasi.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamed Hilowle iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana lagu dilay goobtooda ganacsiga oo ku taala xaafadda Retreat oo qiyaastii (36km) u jirta Xaafadda Soomaalida Bellville ee Magaalada Cape Town.

Wararka ka imaanaya Koonufr Afrika ayaa intaas ku daraya  in ka hor dilka kooxaha Burcadda ah ay weeydiiyeen lacag baad ah balse uu ka biyo diiday, iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna dhac u geystay dukaankiisa. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay booliska dalka Koofur Afrika.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!