Gancsade Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu weeraray goobtiisa ganacsiga, weerarakaan ayaa looga shakiyay inay tahay mid baad ah.
Ninkankaan Soomaaliga ah oo 24 jir ah ayaa laga toogtay xabadka isagoo ku dhex jira dukaankiisa oo ku yaala wadada Michael Hendricks ee magaalada Charlesville Talaadadii abbaare 7pm.
Dukaanle ka agdhawaa goobta ayaa yiri: “Maalin walba waxaan helnaa dad noo yimaada oo lacag weydiista”.
“Waxaan isku dayeynaa inaan nolol ka sameysanno halkan, laakiin sidoo kale waxaan dooneynaa in ganacsigayna ay furnaadaan iyada oo aan wax dhib ah dhicin. Way nagu adkaanaysaa inaan shaqayno oo aan lacag dib ugu soo celino ganacsiga sababtoo ah waa inaan bixinaa kharashka ilaalinta ganacsiga. Bishop Lavis, walaalaheen waxaa lagu qasbay inay albaabada u xiraan ganacisga, waxaanan ka baqaynaa in ay nagu soo socoto, “ayuu yidhi.
Waxaan ka shakisannahay in ninka la toogtay habeenkaas loo toogtay baadda darteed. Waxaa laga yaabaa inuusan dooneyn inuu bixiyo.”. Dhanka kale maalintii Axada, ganacsiga ayaa lagu qasbay inay xidhaan agagaarka Bishop Lavis.
Lix kooxood oo baad ah ayaa ganacsatada Soomaalida laga dalbaday lacag lagu sheegay R800, balse markii ay bixin waayeen waxay dalbadeen in la xiro. Meheradaha qaar ayaa furmay isniintii waxayna sii wateen iibinta.
Madasha siyaasadda ee Bishop Lavis Community Graham Lindorst ayaa sheegay inaysan cadaalad ahayn in dhammaan weerarrada dukaanleyda lagu qaado ay xiriir la leeyihiin baad.
“Ma hubo tafaasiisha, laakiin kiiska waan la socdaa. Ma qaadan karo dhacdadan oo aan ku xidhi karo xidhitaanka dukaamada Axadda”.
“Oo waxaan jeclaan lahaa inaan sheego in dhinaca Charlesville ay jiraan dad badan, sida dadka Gugulethu iyo meelaha kale ee u jooga arrimo kale sida tuugo iyo xitaa lacag baad ah.”
Af hayeenka Wesley Twigg ayaa sheegay in Bilayska Lavis uu diiwaan geliyay kiis isku day dil ah ka dib dhacdo toogasho ah fiidnimadii Talaadada.
Sida ay wararku sheegayaan, bilayska Bishop Lavis ayaa soo xaadiray goobta fal-dembiyeedku ka dhacay halkaas oo ay ka heleen nin weyn oo lab ah (dhalasho ajnabi ah) oo ay xabadu kaga dhacday laabta.
Dhibbanaha oo ah shaqsi Soomaali ayaa waxaa loo qaaday goob caafimaad si loogu daweeyo. Eedeysanayaasha ayaa goobta isaga baxsaday, welina lama soo qaban. Lama garanayo sababta loo weeraray.”