Ganacsade Soomaali ah oo burcad hubeysan ku dhex dishay ganacsigiisa

Reading Time: < 1 minute

Allah ha u naxariisto Daahir Cali Xuseen ayaa burcad hubeysan waxaa ay xalay ku dileen dukaan uu ka shaqeeysanayay oo ku yaala xaafada samora michael ee Hoostagta deegaanka Philippi ee magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcada hubeysan ee Muwaadinka Soomaaliyeed dishay ayaa sidoo kale dhac u geeystay dukaanka iyago marka kadib isaga baxsaday goobta, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno  xaafada samora Michael.

Ciidamo ka tirsan Booliiska capo Town oo gaaray dukaanka uu falka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysayba , in kastoo aysan ku guuleysan soo qabashada burcadii falka geysatay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu yahay dal ay inta badan dilal loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, mana jirto cid iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka isugu jira dilalka, boobka iyo dhaca ee Soomaalida loogu geysto dalkaas.