Ganacsade laga soo Af-duubtay Koonfurta Mudug oo Meeydkiisa la heley

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeedey deegaamada Puntland oo lagu afduubay kadibna lagu diley deegaamo katirsan koonfurta gobolka Mudug.

Axmed Maxamuud Maxamed kuna magac dheeraa Garaad ayaa habeen kahor waxaa laga afduubtay deegaanka Docol oo dhanka koonfureed kaga beegan magaala madaxda gobolka Mudug ee Galkacyo.

Marxuumka oo ku sii jeedey dhanka degma xeebeedda Hobyo oo ay joogaan dad ay qaraabo iyo ganacsi wadaag yihiin ayaa la sheegay inay shir qooleen rag u abaabulan hab qabiil kadibna aaggaasi laga helay meydkiisa.

Dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday inay xogo dheeraad ah ka bixiyaan dilkaasi haseyeeshee waxa ay xuseen in meydka marxuumka lagu dhuftay rasaas badan.

Axmed Garaad oo ahaa ganacsade dhoofiya kalluunka ayaa muddo 7 sano ah falal burcad badeednimo ugu xirnaa dalka Iiraan oo saddex bilood kahor laga soo daayey waxaana lagu diley qaabkaasi kadib markii uu damcay inuu ku laabto deegaankii uu ka ganacsan jirey.

Xayeeysiin