Ganacsade caan ah oo Muqdisho lagu dilay goor dhow

Reading Time: < 1 minute

Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Sheekh Salaad Ciise ayaa goor dhow  lagu dilay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka kooxo hubeysan ayaa dilay nabadoonka oo ka mid ahaa ganacsatada waa weyn ee dalka.

Amniga Muqdisho ayaa sii xumaanaya maalmahan ,Dilka iyo dhaca ayaana aad ugu soo batay.

Ciidanka booliiska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.