Ganacsade caan ah oo Caawa lagu dilay Muqdisho Iyo Dableydii Dilka geysatay oo la hareereeyay..

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ganacsade caan ah lagu dilay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay Ganacsadaha oo lagu magacaabo Cali C/qaadir Muudey ku dileen agagaarka Garaashka Macallin Nuur ee Degmada Dharkeynley, waxaana dilkiisa kadib rasaas la isku weydaarsaday goobta.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka geysatay ay dabagal ku sameeyeen ciidamada Amniga, kadiba ay galeen Guri ku yaalla xaafadda Macmacaanka, waxaana halkaasi ka socda is-rasaaseyn iyadoo ciidamado badan halkaasi la geeyay.

Ganacsadaha oo caan ka ahaa degaankaasi ayaa dilkiisa waxaa si weyn uga xumaaday dadka degaanka, waxaana socda dadaalka lagu doonayo in gacanta lagu dhigo dableyda dilka geysatay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!