Cumar Cabdi Macalin oo loo yaqaano Cumar Faaruuq, oo aay walaalo yihiin xaaska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kala soo dagay labo konteenary oo ah maandooriyaha Qamriga oo mamnuuc ah gebi anaanba Soomaaliya.
Konteenarada oo aay gacanta ku dhigeen ciidanka ilaalada canshuuraha ee dekedda Muqdisho ayaa waxaa si qasab ah ugu sii daayay General C/laahi Xasan Bariise oo aay qaraabo yihiin xaaska Madaxweyne Farmaajo.
labada konteenar ayaa la geeyay xarunta Xalane halkaasoo lagu iibin doono maqaayadaha aay macaamiisha u yihiin ajaaniibta deggan Xalane.
Cumar Faaruuq oo ah nin aay aad iyo aad ay u yaqaanaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka wuxuuna Cumar Faaruuq caan ku ahaa iibinta maandooriyaha Qaadka oo uu in mudo ah ku jirey ka ganacsigiisa.
Cumar Faaruuq waxaa uu isticmaalaa warqadaha dowladda oo uu kula soo baxo qamriga uu ka soo dejiyo dekeda Muqdisho qaab Canshuur dhaaf ah ayuuna kula baxaa konteenarada.
Waa markii shanaad ee uu Cumar Faaruuq uu khamri kasoo dejiyo dekeda Muqdisho tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo uu talada dalka la wareegey.