Galmudug (Test Case) oo Tusaale fiican u noqotay waxa lala rabo Jubbaland

Reading Time: 2 minutes

Madaxda Federaalka oo kaalmo ka raadsanaya waddaada deriska sida Itoobiya iyo beesha caalamaka ayaa waxay si xoog badan u wadaan in Axmed Madoobe la saaro culeys  lagu faragelinayo doorashada Jubbaland. Fargelintaas waxay keeni kartaa Jubbaland inay fashilanto.  Dawladda waxay si fiican u qabtaa khibradda burburinta maamul goboleedyada sida K/Glabeed iyo Galmudug oo lacag iyo cadaadis ku isticmaashay.

Dalka Itoobiya Iyana waxay dad ku laayeen Baydhabo iyagoo ka qeybqaadnaya burburinta K/Galbeed. Sidoo kale hadda waxay qeyb ka yihiin hawlahan burburinta Jubbaland.

Waxaa muddo bil ka badan dhex joogay RW Kheyre inuu burburiyo waana ku soo guuleystay. Galmdug maanta Madaxweyne ma leh, guddoon iyo Baarlaman toona ma leh. Dhammaan hay’adihii maamulka dowliga ah waa wada xermeen waxaana ay ku dhowdahay inay qoryaha isku qaataan. Waxa kaliya ee lagu kala joogo waa Galmudug oo uu ku xoog badan yahay hal qabiil  oo aan diyaar u ahayn inay iyaga dhexdooa is dilaan beelaha kale ee la degaana ma jirto beel dagaal u diyaar ah. Sidaa darted ayey maanta Galmudug nabad dhutiyeysa ku tahay.

Laakiin waxaa si aad ah uga duwan xaalada Jubbaland waayo jubbaland waxaa jira laba beelood oo ku loollamaya inay kala qabsadaan talada Kismayo. Waana Beelaha marreexaan oo ay dowlaadda gadaal ka riixeyso, soona hubeyneyso iyo beesha Ogaadeen oo  uu Axmed madoobe ka dhashay.

Haddaba beesha caalamka ee la sheegayo inay hadda gacan maroojin ku wado Axmed Madoobe waa inay ogaadaan:

  1. In Galmudug ay tahay tusaale fiican -Test Case- marka ay dowladda faraha la gasho maamul goboleedyadaa laguna kaalmeeyo inay burburiso waxaa dhacaya oo ah waxa ka dhacay Galmudug.
  2. In dowladda ay ka go’an tahay inay burburiso dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka inta aan la gaarin doorashada 2020.
  3. MW Faarmajo oo meelo badan ka sheegay inuusan la dhacsaneyn nidaamka federaalka, isagoo ka shidaal qaadanaya xukunkii Kacaanka.
  4. Haddii jubbaland lagu sameeyo fargelin lagu burburinayo hay’adaheeda tabarta daran ma qaadi Karaan inay sii jiraan waxayna keeni kartaa in uu dagaal sokeeye halkaas ka bilowdo waana sida uu rabo Fahaad Yaasin.
  5. Inaan dowladda Federaalka loo ogolaan inay doorashada iyo howlaheeda farageliso maadaama uusan distuurka dalka u oggoleyn balse maamulka Jubbaland lagula xisaabtamo inuu qabto doorasho caddaalad ah intii tabartiisa ah.
  6. Haddii Jubbaland la burburiyo waxaa xigaya Puntland waana halka aydowladda Fedraalka oo Fahad, Farmajo iyo RW kheyre hormuudka ka yihiin u socto, dalkana uu sidaas ku galao dagaallo sokeeye ama gacan kalitalisnimo.