Galmudug oo xirtay Odayaal iyo Xildhibaano!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa soo sheegaya in Madaxda Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu Xabsi Guri ka dhigay Odayaal ka tirsan Dhaqanka Dhuusamareeb iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Galmudug.

Mid ka mid ah Waxgaradka Dhuusamareeb ayaa sheegay in Habeenkii 2aad ay Xabsi ku jiraan ku dhawaad 30 oday dhaqameed oo ka mid Waxgaradka Dhuusamareeb kuwaas oo ka arinsanayay Colaad Beeleed ku soo Laabatay deegaanka.

Odayaasha ayaa laga qabtay Dhuusamareeb iyagoo u fadhiya gogasha Nabadeed ee xal u raadinta dagaal Beeleedka gobalka gaar ahaan Nawaaxiga Dhuusamareeb.

Xildhibaanka Xiran ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdi Galad waxa uuna ka tirsan yahay Baarlamaanka Galmudug ee ka yimid dhinac Ahlusunna waxaana loo xiray dadaalo uu ugu jiray in odayaasha la soo daayo.

Masuuliyiinta Galmudug iyo Madaxda Xukuumadda oo aan la xariirnay wali ma helin si aan wax uga weydiino Odayaasha la xiray.