Sida aux sheegyaan wararka imaanaya Galmudug, DG Galmudug ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixiyey dagaalka saacadihii u dambeeyey deegaano dhaca koonfurta Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab. Wasiirka warfaafinta dowladda goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa warbaahinta uga warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxuuna guulo ka sheegtay dagaalkii ay ciidamadu la galeen Al-Shabaab.
Dhanka kale Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada laba askari oo shalay ku geeriyootay qarax ciidamadaas markii ay ka baxeen Dhuusamareeb lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Sina-dhaqo. Sidoo kale waxuu caafimaad u rajeeyey illaa sideed askari oo kale oo qaraxaas ay dhaawacyo ka soo gaareen, isagoo balan qaaday in maamulku si dhow uga warqabi doono caafimaadkooda.
Galmudug oo war ka soo saartay dagaalkii dhexmaray ciidamada DF iyo Al-Shabaab
Reading Time: < 1 minute