Galmudug oo sheegatay in ay howlgalo ku dileen qaar kamida ururka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Axmed Macalin Fiqi oo ah Wasiirka amniga ee Maamulka Galmudug  oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay Al-shabaabkii ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug.  Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, lagu dilay dagaaladii muddo toddobaadka ah ee ka socday deegaanada ka tirsan gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay burburiyeen saldhigii  ugu weynaa oo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya howlgala ka dhanka ah dagaalameyuaasha Al-shabaab, iyadoona deegaano dhowr ah laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanada maamulkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!