Wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Mire Faafaale, ayaa sheegay in Ururka Ahlusunna ee dhawaan ciidanka dowladda kula dagaamay Guriceel ay dhaawacyadooda gaysteen deegaanadda maamulka Puntland sida Gaalkacyo dhanka Waqooyi iyo magaaladda Caasimadda ah ee Garowe.
Faafaale oo warbaahinta ku hadlay Gaalkacyo ka dib markii uu booqday dhaawacyo ka dhashay dagaalkii Guriceel ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug uu amray in dhamaan dhaawacyada dagaalka ka dhashay si isku mid ah loo daaweeyo iyada oo aan la eegeen arragtida ay aaminsanyihiin.
Waxa uu intaasi ku daray in dadkii u dhaawacmay dagaalka lagu dabiibayo magaalooyinka Galkacyo, Dhuusamareeb iyo Muqdisho wasaaradiisuna ka war hayso xaaladooda Caafimaad balse Ahlusunna ay dhaawacyadeeda gaysatay Puntland sida Gaalkacyo qaybta ay maamusho Puntland iyo magaaladda Garowe ee xarunta maamulkaasi.
“Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno Waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe, laakiin dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri Axmed Mire Faafaale wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug oo Dhuusamareeb ka hadlay 26 October 2021, ayaa sheegay in Ahlusunna ay dagaalka ku garabsiinayaan Soomaali iyo Ajaanib taas oo lagu macneeyay in uu kula jeeday maamulka Puntland ee dariska leh.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa dhankiisa beeniyay in maamulka Puntland uu qayb ka yahay dagaalka Guriceel isaga oo sheegay in ay ixtiraamayaan jiritaanka Galmudug maadaama ay yihiin maamul ay darisyihiin.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo si kooban uga hadlay faragalinta maamulkiisa lagu eedeeyay ayaa sheegay in Puntland ay ixtiraam u hayso maamuladda dalka ka jira dhamaantood.
Dhaawacyada laga bixiyay Istibaalka Gaalkacyo.
Maamulka Galmudug ayaa isbitaal Galkacyo ee xarunta gobolka kala baxay laba sarkaal oo dhaawac ah kuwaas oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ahlusunna.
Dhaawacooda ayaa hada lagu dabiibayaa magaaladda Muqdisho sida saraakiisha amaanka u sheegeen Mustaqbal Media. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay “ in istibitaalka laga baxay saraakiil aan hubaysnayn”.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ay haayaan dhaawacyada askar ka mid ah dowladda ay u fidinayaan gargaar Caafimaad.