Galmudug oo ka hortimid in aay soo gudbiso xubnaha Aqalka Sare ilaa xal looga helaayo khilaafka

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashada Dowladda Soomaaliya ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen maamul Goboleedyada.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray iyagoo fulinaaya amar ka soo baxay MW Farmaajo si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

“Guddiga wuxuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare. Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug u sheegeen MOL in aanay gudbineynin xubnaha aqalka sare ilaa heshiis wadar ogol ah laga gaaro nidaamka Doorashada. Arrintan ayaa ku noqoneysa MW Farmaajo dhabarjabkii ugu horreeyay ee kala kulmo maamulka Galmudug.

Koofur Galbeed ayaanan weli wax jawaab ah ka bixin, waxaana mar labaad dib u dhac ku yimid xulidda aqalka sare taasoo jadwalka aay soo saareen guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka lagu shaaciyay in xubnaha Aqalka Sare la soo xuli doono Bisha 26 keeda oo ku beegneyd maalintii shalay ahayd.