Galmudug oo ciidan Booliis & Milatari isugu jira u dirtay Xananbuure ee Gobolka

Reading Time: < 1 minute

Sida ay loo sheegayaan wararka naga soo gaaray Galmudug, Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ciidan isugu jira Booliis & Militari ah u dirtay Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud oo dagaal dhexmaray labo Maleeshiyo Beeleed sababay dhimasho & dhaawac, halka dilal aanooyin la xiriira loo geystay dad aanay hubeysneen.

Ciidamada  Galmudug dirtay ayaa la filayaa in ay  kala dhexgalaan Maleeshiyaadkaas si Odoyaasha dhaqanka ay u bilaabaan waan-waan ay ku xalinayaan xiisadda labada dhinac oo saameyn taban ku reebtay Deegaanka. Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug & Madax dhaqameedyada deegaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in xaaladdu ay degen tahay balse dedaalkooda uu yahay mid lagu kala qaadayo maleeshiyaadka si wada-xaajood ay u bilaabaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!