Reading Time: < 1 minute

Xaalada dhib u dhisada Galmudug oo caawa gashay xaalad adag oo cusub taas oo keeni doonta in mar kale lagu kala tago Galmudug. Go’aankii indha la’aanta ahaa ee uu qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug  Maxamed Nur Gacaal ayaana keentay in ururka Al Sunna ay gabi ahaanba ay hakiso ka qayb-galka doorashada Galmudug.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanay magalada Dhuusamareeb, Waxaa xilligan kulan albaabada u xiran uga socdaa Xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo kala ah Kamaal Gutaale, C/raxmaan Odawaa, C/llaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere.

Kulankaan ayaa la filayaa inay ka soo baxdo qaadacaad lagu qaadacayo doorashada uu doonayo in Xasan Kheyre si boob ah uu ugu magacaabo Axmad Qoor-Qoor.

Dhanka kale ee magalaada  Dhuusamareeb waxa ka socda shirar ay wadaan kooxihii dalaaliinta u ahaa Xasan Khyre kuwaas oo ku adkaysanaya in doorashada la qabto hadii  xataa Al Sunna iyo musharaxiinta kale ay  ka maqan  yihiin. Xildhibaan Xuseen Iidoow ayaa u sheegay gudiga doorasahda ee gacan ku rimiska ah in ay shaqadooda sii wataan oo aan cidna loo joojin.

Galmudug ayaa noqon goob ay ku ciyaaraan koox yar oo dalaaliin u ah Xasan Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here