Galmudug oo Burbur Qarka u Saaran iyo Federaalka oo Fiirsanaya.

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Galmudug ka bilowday fowdo iyo waraaqo is burrinaya , horay waxaa u soo baxday warqad uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf  oo ka koobneyd seddexdan qodob

  1. Dowladda Galmudug waxaa ay nasiib darro u aragtaa in dowladda dhexe shaqo ka dhigatay burburinta dowladaha xubnaha ka ah federaalka ah.
  2. Dowladda Galmudug waxaa ay xiriirka wada-shaqeyn u jartay dowladda dhexe
  3. Dowladda Galmudug waxaa ay wada tashi ugu yeereysaa xubnaha labada aqal ee dowladda dhexe ee ka soo jeeda Galmudug.

Hadda waxaa wareegeysa waraaq kale oo uu soo qoray qof sheegtay inuu yahay Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Adam, tan oo qoraal ahaan burrineysa warqadda Madaxweyne Xaaf, hasa aan sharciyad haysan waayo waxay ahayd inuu saxeexo Madaxweynaha Galmudug haddiiba isaga lagu been abuurtay oo tii hore been ahayd, balse ma cadda.

Dhinaca kale waxaa muuqata inuu maamulka Galmudug ku dhow yahay halkii ay dawladda Federaalka la dooneysay oo ah inuu kala daato iskana hor yimaadaan haddii kale waxay dawladdu qaadi lahayd tallaabo lagu badbaadinayo qaabkey doonto ha u martee. Waraaqahanna  kala duwan waa shaqeynayaan inta warku kala caddaanayo oo ay warar rasmi ah ka soo baxayaan Muqdisho ama Cadaado.

Wariyayaasha Muqdiso Online oo ku kala sugan Cadaaddo iyo Xamar ayaa si dhow ula socda is badabdalka xaalladda Galmudug iyo wixii ku soo kordha.