Galmudug Maxaa ka Socda.Akhriso

Reading Time: < 1 minute

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku dhaqaaqay  soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug sida ay sheegayaan warbixino halkaas laga helayo.Inkastoo uu jiro ismaandhaaf tira badan haddana waxay u muuqataa in xulista ay bilaabatay.

Odayaasha dhaqanka waxaa laga sugayaa iney soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyagoo tirada ku darsanaya xildhibaanadii Ahlusunna ee goor hore la meel mariyay, waxaana la wada ogyahay in lagu saleyn doono habka awood qeybsiga beelaha halkaas daga.

Beelaha qaar ayaa aad u saluugsan habka ay wax u socdaan, sidoo kalana ay Gaalkacyo ka jirto xiisad kasoo horjeeda.

MW Xaaf ayaa isagana soo saaray warqad uu kula noqday wakilnimadii uu siiyey wasaarada Arrimaha gudaha, tan oo keeni doonta inay hawlaha is taagaan muddo, walow dadka qaar ay leeyihiin in lagu kal furi doono xoogaa lacag ah oo ay NN bixiso ee aysan ahayn diidmada Xaaf mid mabda’a iyo qiyam dareen Galmudug ku dhisan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!