GalMudug Dib u Heshiisiin Dhab ah ama Dagaal Sokeeye. Sabab?

Reading Time: 3 minutes

Sida laga warqabo waxaa dowlad goboleedka GalMudug lagu soo dhisay si adag, waxaana lagu bixiyey waqti iyo kharsh aad u badan. Dowladdii MW HSM waxay talada dalka warejisay iyadoon si fiican u dhameystririn oo aan dib u heshiisiin rasmi ah laga sameyn gayigaas oo ay wada degaan 11 beelood. Magaalooyin Cadaado, Dhuusamareeb iyo Galkacyo oo ay sedex jufo oo isku hal reer degaan heshiis maaha iska dhaaf beelaha kale. Waxaa hadda isu soo dhawaasho muujiyey Beelaha Cadaado iyo Galkacyo dega, laakiin weli waxaa geed dheer ku laallan heshiis beesha Ahlu Sunna u badan oo uu ismaandhaaf kala dhaxeeyo beelaha kale.

Dallaalnimada RW Kheyre inay xaalka uga sii darto maahe wax wanaag ah kama keenayo waayo waxay kaga dhagan tahay si uu lebin u sheegto in 4ta Julay la qabto doorasho gacan ku rimis ah si loo helo shakhsi aysan beelaha waqti u helin oo la dulsaaro.

Galmudug waa maamulka kaliya ee aan wax talaabo horumar qaadin, dowladda dhexena aysan wax xil iska saarain, inay lugta jiido maahee mudadii ay jirtay. Haddaba waxaa muuqata inuu maamulkan Galmudug uu burburayo kaas oo xataa dhibaatada  ka dhalataa ay u soo wareegi karto Xamar saameynna ku yeelan guud ahaan geedisocodka dowlad dhiska Somaliya oo sannahan dambe uu ku yimid gaabis muuqda.

Haddaba aynu eego dowladda maxaa la gudboon maxaasa la gudboon dadka iyo xildhibaanada reer Galmudug?

Dowladda waxaa la gudboon:

  1. Inay degdegta ka deyso oo aysan qaban doorashooyin gacan ku rimis ah oo haddii qolo ku guuleysataa ay qolo diidi karto, taas oo ah jugjug meeshaada joog.
  2. In Xildhibanada, Isimada, Culimaa u diin iyo odayaasha reer Galmudug loo dhaafo shirarkooda dib u heshiiseen dowladu dhinaca dhaqaalaha oo kaliya ka taageerto, waayo qabiillo badan oo halkaas deggan ayaa qaba inaysan dowladdu dhexdhexaad ka ahayn arrinta sidaas dartedna ay haboon tahay inay faraha hakala baxdo.
  3. Inay ku kalsoonaato ina dadka reer Galmudug gaari karaan go’aamo wax ku ool ah oo xallin kara dhibaatada jirtaa iyo kala aamin baxa ah dhexdooda.
  4. In aysan dowladdu ku kaalmeyn in xaaladda looga daro oo gacan maroojin iyo nin jecleysi la isticmalin taas oo la hubo inay dhibaato weyn u keeni karta nabadda yar ee ay hadda haystaan reer Galmudug.

Dadka reer Galmudug waxaa la gudboon:

  1. In aayahooda ka tashaad oo ay dib u heshiis rasmi ah sameystaan, iskana ilaaliyaan fargelinta shisheeyey ee ay dowladda ugu horeyso.
  2. In xildhibaanada iyo odayaasha reer Galmudug ee mucaarid iyo muxaafudba leh inay gartaan waxa ay garteen dhigooda Puntland soona ceshadaan sharaftooda dadnimo.
  3. In 11ka Beelood ay isu cadaalad falaan isna calool xaartaan iyaga oo aan doorasho ku degdegayn si ay u helaan madax loo wada hogaansamo oo six or iyo xalaal ah lagu soo doorto. Haddii shakhsiga aysan dadka keensan oo aysan dooran wuxuu noqonyaa shakhsi u adeega cidda keensataa.
  4. Inay ka hortagaan burburka ku socda GalMudug oo keeni kara in dib u qaabeyn lagu sameyo oo Galgaduud, Hiiraan iyo Shebeellada dhexe la is raaciyo iyadoo Mudugna lagu darayo Puntland taas oo keeni karta in dalka u kala sameysmo qabiillo magac dowlad goboleed wata waana dood ka jirtaa meelo ay madaxtooyada Villa Somaliya ay ka mid tahay.
  5. In ay dadka reer Galmudug ka fekeraan aayaha ummadooda oo u muuqata inay ka hareen walaalalhooda waqooyiga ka xiga ee Puntland.

Bulshada caalamka iyo Barlamanka waxaa laga rabaa inay ku baraarugaan khatarta ay leedahay haddii arrinkaan aan la siinin waqtiga uu mudan yahay isla markaana lagu degdego doorasho keeni karta inay xataa nabadgalyada Xamar ay raad weyn ku yeelato.

MOL oo la hadashay cuqaal iyo Xildhibaanno ku kala sugan Dhuusamaareeb, Caadaado iyo Xamarba waxay u sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin in mar kale doorasho ay dadka isku dilaan oo gaacan u rimis ah si degdeg ah loo sameeyo, halkaasna ay Galmudug ku burburto, waasa wax aan laga fa’iideyn oo keeni karta khater weyn oo aan Galmudug ku ekaan.

Sidoo kale MOL waxay heleysaa warar sheegaya in 26kii Juun hoobiyayaal lagu riday Xaruunta wasaaradda Gaashaandhiga ee  Xamar iyad, kuwaas oo ahaa diginin waxna ka badalay wixii Galmuug ka dhacayey. MOL waxay daba joogtaa arrintaas iyo sida ay  u dhacday inkastoo ay xog ka hayso  balsa hubin ayaa ugu dhiman, marka ay soo dhammaantana waan idin la wadaagi doonnaa.