Galmudug aqoonsi ugama baahna safiir dhinac u jaranjeera

Reading Time: < 1 minute

Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee xeer-dejinta Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadalkii Mareykanka ee doorashada Galmudug.

Danjire Donald Yamamato oo “aqoonsaday” guusha lagu muransan yahay ee Axmed Kaariye [Qoor-qoor] ayaa dhinacyadda is-khilaafsan wuxuu ku booriyey wada-hadal.

Fiqi, oo kamid ah xubnaha mucaaradka Villa Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaadey “in Yamamato lasii ogaa in uu dhinaca u janjeero”.

“Galmudug ma ahan state [maamul] ku dhex-yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera,” ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Hoos ka akhriso qoraalka Fiqi

GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan.

Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta.

Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato in ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhex yaalla Mareykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.

Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata.

Waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!