Reading Time: < 1 minute

Xogahaya guud ee qaramada Madoobaya ayaa qoraalkii joogta ahaa ee uu  gudibin jiran xubnaha Golaha Amaanka ee arimaha Soomaliya maanta u gudbiyay Golaha. António Guterres ayaa si ay caro ku jirto ugu sheegay Golaha Amaanka in aan caalamka marnaba ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu celiyo xaaladii adkeyd ee ay  ka soo gudubtay ee dagaalka sokeeye.

Dhanka kale wakiilka gaarka ee Xoghaya guud Mudane James Swan oo isna qudbad Dulmar  ah ku sheegay in ay naxiib xumo tahay in xal loo waayo Wadahadalka dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Hadalka maanta uu soo jeediyay António Guterres iyo waliilkiisa gaarka ah ayaa ku soo aaday iyada oo Golaha Amaanka ay maanta ansaxiyeen qararkii dib loogu cusboonaysinayay joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.  Hadalka cuslaa ee maanta lagu canaantay Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxa uu hordhac u yahay  go’aan dabayaaqada bishaan ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqi doonto kaas oo awooda  si daddan ugala wareegayo Farmaajo iyo Kheyre, isla markaana lala simayo dowlad goboleedyada.

Waxaa muuqata in beesha caalamka ay go’aan wadajira ka qaateen xaalada cakiran ee ka sii daraysa ee ka jirta dalka Soomaaliya.