Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas.
Ilhaan Cumar, oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah.
Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka.
Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi.
Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska.
“Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay.
Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”.
Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah.
“Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas.
Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump.
Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo.
Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa in ay koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa.