Gabar lagu xukumay dil toogasho ah oo ka qalinjebisay jaamacada Sharciga dalka Uganda

Reading Time: < 1 minute

Susan Kigula oo ah gabar u dhalatay dalka Uganda ayaa dhamaysatay waxbarashada cilmiga Sharciga ee heer jaamacadeed iyadoo ku jirta xabsi kuna xukuman dil.

Kigula ayaa wax ku baratay xabsiga gudihiisa waxaana xukun dil ahlagu xukumay iyadoo 21 sano jir ah kadib markii ay dishay seygeedii.

Hase yeeshee sharciga u yaal dalka Uganda ee xukunka dilka ayaa la bedelay iyadoo la mamnuucay in xukun dil lagu fuliyo maxaabiista waxayna ka mid noqotay Susan Kigula maxaabiis ka faa’ideysatay isbedelkaas.

Gabadhan ayaa dooneysa in ay halgan u gasho sidii lagu mamnuuci lahaa caalamka oo dhan xukunka dilka ah maadaama ay iyada soo dhadhamisay cabsida xukunka dilka ah.

“Waxaan dooayaa in ay dadku ogaadaan in aan loo baahneyn xukunka dilka ah, haddii aniga la igu fulin lahaa xukunkaas sheekadan idinlama qeybsan lahayn.”ayay tiri Susan Kigula.

Maxaabiis gaareysa 417 oo sugayay in lagu fuliyo xukunka dilka ah ayay ka mid ahayd Susan Kigula waxayna dadaal u galeen maxaabiistaas in loogu bedelo xabsi daa’in xukunka dilka ah.