Gabar duubeysay muuqaal barakacayaal lacag loo qeybinaayo oo la toogtay (Vidoe – Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Bannaan baxii shaley ay soo abaabuleen kooxda MW Farmaajo aya waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay arrin aad looga naxay kaddib markii gabar duubeysay muuqaal haween barakacayaal ah oo loo qeybinaayay lacag si ay u mudaaharaadaan uu askari ka mid ah ciidanka Booliiska ee dhawaan laga soo wareejiyay NISA kuna amray in ay damiso telefoonkeeda ay ku duubeysay.

Sida aad ku arki doontaan gabadhii ayaa u sheegtay askarigii in ay iyada leedahay telefonka isla markaana uu tixgeliyo xoriyaddeeda oo faraha ka qaado.

Askarigii ayaa halkaa ku toogtay gabadhii waxayna ku ruux baxday isla goobtii uu ku dilay askarigaas.

Waa ayaan darro in shacabka si bareer ah ay dowladda u banneysato dhiigooda, waxaana magaalada Muqdisho ka jira dilal qorsheysan oo ay soo abaabuleen kooxda MW Farmaajo iyo RW Kheyre.

Shacabka Muqdisho haddii aanay ka dhiidhiyin falalka foosha xun ee kalitalisnimo waxaa loo yaabaa in guryahooda lagala baxo marka danbe.