Gabar caan ka ahayd baraha bulshada oo maanta Muqdisho isku-dishay

Reading Time: < 1 minute
Waxaa maanta magaalada Muqdisho isku dishay gabar caan ka ahayd baraha Bulshada, gaar ahaan barta Tik Tika. Gabadhaan oo magaceeda lagu soo koobay Asma waxa
dadku barteen markii la arkay iyada oo muqaal qoob ka ciyaara ah  la sameeysay fanaanka weyn ee  Khadar Keyow.
Sida ay sheegayaan dad ku dhaw ehelada gabadhaan, baraha bulshada ayaa la soo dhigay muqaal ansho xumo ah oo laga duubay iyada oo aan ogaynin in laga duubay. Arintaa oo ay ka xumaadeen qoyskeeda iyada keentay inay ku dhaqaaqdo falka ay isku dishay.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa asbcuu ka hor ku dhawaaqday in la xiro aaladaha Tik Tika iyo Telgram oo dhibaatooyin ba’an ku hayo bulshada Soomaaliyeed.