Gaas oo kala diray Gollihii deegaanka Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu kala diray Gollaha Degaanka ee degmada Galkacayo ee gobolka Mudug, sida laga soo xigtay wareegto xafiiskiisa kasoo baxday.

Sida ku cad digreetadda, talaabadani waxay ka dambeysay markii uu Madaxwaynuhu latashi la sameeyay Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Gaas ayaa ku eedeeyay Gollaha degaanka ee Galkacayo xil gudasho la’aan, isaga oo tilmaamay “kuwa hanan-waayeen shaqadii loo igmaday,” inkasta illaa iyo haatan aanan la haynin jawaab ay ka bixiyeen Gollaha.

Hoos ka akhriso wareegtadda:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka

Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu

Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-