Gaas oo Isu geeyey Kheyre iyo Deni si ay u Mideeyaan Dhabarjebinta Dowladda ee la Dagaalka Shabaab.

Reading Time: 2 minutes

Siyaasi kasta oo damiir leh maanta waxaa ku jirtaa jihaad dalka looga xoreynayo Alshabaab, waxayna shacbiga kala siman yihiin taakulada iyo taageerada dhin kasta leh oo ay siinayaan beelaha Somaliyeed  ee u adkeysan waayey kadib markii caruurtoodi iyo xaasaskoodii Zako looga dalbaday oo qoryaha qaatay iyo ciidamada Qalabka sida oo wacad ku maray inaysn xeryahooda ku laabaneyn ilaa shabaab dalka laga cirib tiro.

Culimada, fanaaniinta, aqoonyahannada iyo dhamaan siyisiinta damiirka leh waxay u hiil iyo hooba la garab istaageen dowladda oo go’aansatay inaan sidaan dalka uu ku sii jiri Karin oo ay Khasab tahay in shabaab umadda ay 15 sano dhibayeen laga qabto.

Hasa yeeshee, lama waayo danayste qalbiga ka buka oo si dedban ugu hiilliya cadwga ay umadda is hayaan, jecelna ka baahan iyo kan xabadda ku socota halkii uu ka taageeri lahaa inuu hagardaamo iyo dabinno hurgi iyo mansab doon ah u maleego hogaamiyayaasha hawsha wada oo dhabarka ka toogta inta ay xoreynta ku sii jeedaan.

1.     Inta madaxda iyo siyaasiyiinta dalka ay dagaalka ku sii jeedaan oo hoggaamda iyo taliyayaasha ciidamada ay goobaha dagaalka ee ay hugunka madaafiicda, dhawaaca shacabka iyo askarta ka dhex shaqeynaan.

2.      Inta masuuliyiinta sare ee dalka sida MW iyo RW ay kabaha ugu dhamaadeen safarro deriska iyo dunida ay kaga ka soo uririnayaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Ayaa Cabdiweli Cali Gas waxaa uu ka shaqeeyey inuu isu keeno oo uu qorsho fog u dajiyo MW Deni iyo Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo hadda ka fekeraya sidii loo hagardaameyn lahaa dagaalka Shabaab lagula jiro. Waayo haddii dagaalka lagu guuleysto Somaliya oo xor ah oo cid walba halkey rabto mari karto waxay qabaan inaysan waxba ku guleysan Karin, dadkuna ay dowladdaan uga abaal ahayn doonaan dhibaatada ay ka ka dulqaaday.

Khayre iyo Deni ayaa ku taamaya in dagaalkan la fashiliyo waxay quud darreynayaan inay dowlad wada dhisi karaan  haddii dalka hadda qalalaaso la geliyo oo dagaalka uu keeno dib u dhac. 

Dhinaca kale Siciid waxaa aad ugu xun inuu puntland sii joogi Karin  waana inuu abuuraa cadow Xamar la yiraahdo si indhaha uu uga jeediyo fashilkiisa Puntland ka sameeyey.

Gaas Puntland intuu ka xooleystay ayuu iskaga tagay haddana waxaan qas ahayn ugu ma filla, maalinba koox ayuu meel ku shiriyaa.

Kheyre waxaa uu la wareegayaa qori dable oo waxay kaga dhagan tahay sidii kheyraadka dalka loo safrin lahaa oo dhici lahaa.

Laakiin maanta waxay joogtaa libaax nin galladayna og nin ganayna og. Somaliya waa kala baratay cadow iyo naxaan, hogaamiye beenaad af labadii yeera dhinacna u haliilaya, mid tii loo igmaday ay qarka laalaado iyo hogaan shacbiga la gubta, la farxa, lana ooya markey ogaayaan. Maanta ayey ugu dhow dahay xusuusta erayadii dagay qalbiga Somali kasta oo caaqil ah “ Somalida Raggeeda Ha kala Barato” MW Aden Cadde ahn.