Gaari Xamuul ah oo daad ku qaaday bariga Hargeysa & 1-Qof oo geeriyooday

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay  kadib markii  dooxa tuulada Aw-Barkhadle ee Bariga Hargeysa uu qaaday daad gaari Xamuul ah  oo ka yimid magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

 

Guddoomiyaha tuullada Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr, ayaa warbaahinta u sheegay in daad xoog leh oo ka soo rogmaday dooxa Aw-barkhadle uu la tagay Baabuur nooca loo yaqaano waaraadka ah oo siday khudrad kana yimid magaalada Berbera.

Guddoomiyaha wuxuu intaas ku daray hadalkaasi inay ciidan dhigeen dooxa Aw-barkhadle si ay gaadiidka uga horjoogsadaan inay isku biimeeyaan daadkaas.

Qofka geeriyooday ayaa lagu Magacaabi jiray Marxuum-Maxamed Cabdilaahi (Ina Caga-saydh) kaasoo oo ay ka heleen goob shan kiiloo mitir u jirta tuulada Awbarkhadle Meydkiisa Ciidamada Somaliland.