Gaari Siday Dad Shacab Ah oo Lagu Rasaaseyay Duleedka Baladweyne Iyo Waxyeelo Soo Gaartay Rakaabkii Gaariga

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Baled weyne ee Gobolka Hiiraan aya sheegaya in koox hubeysan ay rasaaseeyeen Gaari Homey oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Wararka aya shegaya in Gaarigaasi lagu rasaaseyay Duleedka Baladweyne ka dib markii uu ka dhaqaaqay Magaalda Muqdisho.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Canug yar oo ay dhashay waxaana dadkaasi la dhigay Isbitaalka magaalada Beladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan.

Falkaan ayaa waxaa geestay Koox maleeshiyo ah oo hubeysan waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen weerarka kadib.