Wararka ka imanaya magaalada bBaladweyne aya shegaya in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigayn Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo shaqsiyadka gaarigasi watay.
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qabtay rag iyo sidoo kale hubkii ay wateen oo gaarigaasi la socday.
Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada gaarigaasi ayaa lagu qabtay Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baledweyne.
Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.