Gaari qarax looga shakisan yahay oo la soo dhigay agagaarka isbitaalka Digfeer

Reading Time: < 1 minute

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga, waxaa la soo dhigay gaari looga shakisan yahay in laga soo buuxiyay qarax meel aan ka fogeyn Isbitaalka Digfeer ee hadda loo yaqaan Isbitaalka Erdogan.

Saraakiisha amniga aya shacabka ka ag dhow goobta ka saaray isla markaana hakad geliyay isku socodka dhan walbo.

Waxaa weli socda baaritaan lagu hayo gaariga, waxaana laga wardhowrayaa saraakiisha miino bixiyaasha oo baaraya gaariga laga shakiyay

Wixii soo kordho dib ayaan idinkala socodsiin doonaa