Wararka ka imaanaya magaalada balcad ee Gobolka sh/dhaxe aya shegaya in gaari nuuca xamuulka qaada ah ay miino kula qarxayday duleedka magaladasi.
gaariga aya la shegaya inuu marayay meel u dhaw balcad oo lagu magacaabo Haan Shiiq iyado halkaasi ay miinada kula qaraxday.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi haleelay gariga xamuulka aha waxa ku geeriyooday darawalki gaariga iyo caawiyihiisa iydo la shegay in dagmada balcad la geeyay oo ay deegan ku ahan jireen.
Al Shabaab aya tira dhowr jeer ah degankaasi qarax miino kula beegsaday Ciidanka Ammisom oo halkaasi marayay,inkasto dhacdadan ay tahay midi ugu horeysay ee gaari shacab ah haleshay sida dadka degankaay ino xaqiijiyeen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad ee la xiriira gaariga ay miinadu la qaraxday.