Gaari Ku Wajahnaa Magalada Nairobi Oo Shil Galay

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyey 11 Ruux ayaa geeriyootay kuwo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii Gaari Bas ah uu ku dhacay Gaari kale Wadada isku-xirta Magaalooyinka Naivasha iyo Gilgil ee dalka Kenya.

Saraakiil Booliska ah ayaa waxa ay sheegeen in Gaariga Baska ah uu ku dhacay Gaari nooca Xamuulka qaado ah,isla markaana Gaariga Baska ah uu ku wajahnaa Magalada Nairobi.

“11 qof ayaa markiiba goobta ku dhintay oo isugu jira rag iyo dumar afar ka mid ah waxaa looal cararay isbitaalka Four other ayuu yiri taliyaha booliska Gilgil ayaa OCPD Emmanuel Opuru.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay 25 qof oo kale oo shilkaasi ku dhaawacantay la geeyey Isbitaal heerkiisu sareeyo oo ku yaalla Magalada Nakuru si halkaasi loogu soo daweeyo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Shilalka Gawaarida ay ku soo bateen Magaalooyinka dalka Kenya,waxaana taasi keentay in xildhibaanada u yeeraan abaanduulaha Ciidamada Booliska Joseph Boinnet.