Gaari khamri siday iyo raggii watay oo lagu soo bandhigay Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari khamri siday iyo raggii watay oo doonayay in ay ku iibiyaan gudaha magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa soo bandhigay gaari NOAH oo ay ku raran yihiin dhalooyin khamriya iyo laba nin oo watay gaarigaas. Saraakiisha Ciidamada ayaa goob fagaare ah ku burburiyay khamriga oo gaarayay in ka badan 400 oo dhalo kaas oo lagu qabtay hawlgalkii xalay.

Ma aha markii u horeeysay oo ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigaan qamri laga keenay dalka Itoobiya. Waxa deegaanka Puntland aad laga ganacsadaa Qamri ka soo gala dalka Itoobiya iyda oo dowlada Puntland ay dagaal joogta ku haysa kooxaha ka ganacsada Qamriga.