Gaari dhuxul siday oo lagu gubay gobolka Sh-dhexe!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Wararka MOL  ay ka helayso deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta lagu gubay gadiid dhuxul u soo wedday magaalada Muqdisho

Gaari nooca Daynada loo yaqaan ayaa la sheegay in Alshabaab ay ku gubeen deegaanka Qalimoow oo hoos taga degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe,waxaana dad ku sugan deegaanku ay sheegeen in laga dejiyay dadkii la socday kadibna dab la qabadsiiyay.

Deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ayaa didaan oo kale horay loogu gubay gaadiid dhuxul siday kuwaas oo badankood ku soo jeeday magaalada Muqdisho,Alshabaab ayaa go’aan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in aan la sjari karin Dhirta lagana shidi karin dhuxul.